Is diiwaangelinta Musharaxiinta utartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta Ku,eg

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Is diiwaangelinta oo shalay bilaabatay ayaa ilaa hadda waxaa is diiwaangeliyay Musharaxiinta kala ah Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur, Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Xiildhibaan Prof. Saalim Caliyo Ibrow iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa dhammaan Shantan Musharax ee isdiiwaangeliyay guddoonsiiyay Shahaadooyinka Musharaxnimo.

 Sidoo kale Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa Musharaxiinta kale ee harsan ku wargeliyay in ay heystaan ilaa maanta gelinka dambe, wixii ka dambeeyana ay xirmi doonto is diiwaangelinta.

Maalinta Isniinta ah ee soo socota Taariikhduna ay ku beegan tahay 30-ka April ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo hada qaban qaabadeeda ay meel wanaagsan mareyso.