Isbarbar Dhig: Emre Can + Henderson Vs Jorginho- Siduu Bartilmaameedka Liverpool Ee Jorginho Uu Uga Duwayay Xidigaha Reds?

Kooxda Liverpool ayaan ilaa hadda wax xal ah ka gaadhin mustaqbalka Emre Can kaas oo u furan in dhamaadka xili ciyaareedkan uu si xor ah kaga bixi karo Anfield marka uu dhamaysto heshiiskiisa ay dhawrka bilood ka hadhsan yihiin. Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay heshiis la sii gaadho xidiga ree Germany laakiin ilaa hadda ma jiro wax heshiis ah uu la gaadhay kooxda Old Lady.

Maamulka Liverpool ayaan wali ka quusan in Emre Can ay ku qanciyaan in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxdiisa Reds balse waxay wali u muuqataa mid aan wax go’aan rasmi ah laga gaadhin, laakiin haddaba Liverpool ayaa suuqa ka sii eeganaysa xidiga ay badalka uga dhigan karto Emre Can haddiiba ay dhacdo in uu go’aan ku gaadho in aanu heshiis cusub saxiixin.

 

Xidiga kooxda Napoli ee Jorginho ayaa ka mid ah xidigaha sida wayn Liverpool loola xidhiidhinayo, kaas oo buuxin kara booska xidiga ree German. Haddaba Football Whispers oo dhinaca suuqa kala iibsiga xog badan ka diyaarisa ayaa soo bandhigtay sida ay isku yihiin Henerson, Emre Can iyo Jorginho.

Waxaana sida aad sawirka soo socda ka arki karo la sameeyay isbarbar dhiga kulamadii min 90 ka daqiiqo ay ciyaareen Henderson, Jorginho iyo Emre Can iyada oo xidiga kooxda Napoli ee Liverpool lala xidhiidhinayaa uu si wayn uga sareeyo xidigaha Reds.

Aan soo qaadano waxyaabaha isbarbar dhiga lagu sameeyay kuwa ugu muhiimsan oo ah kubbad bixinta iyada oo Jorginho uu 90 kii daqiiqo bixiyay 102.49 baas halka Henderson uu bixiyay 81.58 halka Emre Can uu isna bixiyay 64.46 baas waxaana muuqata sida Jorginho uu xidigahan ugaga horeeyo baas bixinta.

Waxa kale oo uu Jorginho si wayn ugaga horeeyaa xidigaha kooxda lala xidhiidhinayo ee Liverpool khadka dhexe uga ciyaara dhinaca kubbadaha weerarka la gaadhsiiyay isaga oo bixiyay 68.05 baas oo dhinaca weerarka loo bixiya min 90 kii daqiiqo ee uu ciyaaray.

Taas badalkeeda Henderson ayaa 54.18 baas oo kaliya dhinaca weerarka u bixiyay min 90 kii daqiiqo ee uu ciyaaray halka Emre Can uu arintan aad ugu hooseeyo maadaama oo uu 36.86 baas oo kaliya uu dhinaca weerarka u bixiyay.

Xogta isbarbar dhiga Jorginho iyo xidigaha kooxda lala xidhiidhinayo ee Liverpool halkan kaga bogo:

Waxaa xogtan iska kaashaday shirkadaha Opta oo xogtan ururisay iyo Football Whispers oo isbarbar dhiga saddexdan xidig samaysay.