Isbitaal Cusub oo maanta laga daahfuray Degmada Xeraale ee G/Galgaduud.

Waxaa maanta D/Xeraale ee G/Galgaduud laga daah-furay dhismaha Isbitaalka cusub ay yeelaneyso Xeraale, Munaasabada Daah-furka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug DR Abduwali Cabdullahi Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Abdiraxmaan Maxamed diiriye (Makaawi), Xildhibaan Daadir Abdulaahi Dhakow oo ka tirsan baarlamanka Galmudug, Xuseen C/laahi Nuur oo ah Masuulka ugu sareeya Hay,ada (Save The Children ) Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Maamulka degmada xeraale iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Gudoomiyaha Degmada Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf ayaa madasha ka sheegay in bulshada ku nool Degmada ay baahi weyn Isbitaalkaan, kaasi uu tilmaamay in looga maarmi doono islamar kaasine daboli doono adeegyadii caafimaad oo ay dadku u aadi jireen meelo ka baxsan degmada, waxa uu u mahadceliyey Wasaarada Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Hay,ada Save the Children taasi oo wasaarada ka gacan siisay dhismaha Isbitaalkaan.

 

Xildhibaan Daadir Abdulaahi Dhakow oo dhankiisa ka hadlay Munaasabada ayaa u mahadceliyey Waasaarada caafimaadka Galmudug iyo hay,adii ka gacan siiyey dhismaha Isbitaalkaan iyo qalabeyntiisa, asaga oo sheegay in ay wali jiro Baahi la xariirto dhanka caafimaad deegaanada hoosyimaada Degmada loona baahan yahay in ilgaar lagu eego, kormeer qiimeyn ah loo diro si ay u soo xaqiijiyaan si ay u kala daran yihiin baahida caafimaad deegaanadaasi, waxna loogu qabto.

 

Xuseen C/laahi Nuur oo ah Masuulka ugu sareeya Hay,ada (Save The Children ) Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa si weyn ugu amaanay Shacabka Reer Xeraale wada jirka iyo isku duubnida ay muujiyeen taasi uu sheegay hadeysan Dhulka Dhismahaan aysan bixin lahayn, ay Wasaarada iyo hay,aduba ku adkaan lahyd in halkaan maanta lasoo gaaro.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Abduwali Cabdullahi Jaamac, mahadcelin iyo Bogaadin ka dib wxa uu sheegay Wasiir Dr C/wali in uu Isbitaalkaan uu ku yimid isku tashi iyo baahi Bulsho ka dagaal markii ay garwaaqsadeen in xaruntii Caafimaadka ee horey degmada uga jirtay ay dabooli weyday adeegyadii Caafimaad, sidaasi darteedne Maamulka Degmada iyo Shacabka Xeraale oo isku duuban ay bixiyeen dhulkaan baaxada leh sidoo kalane darbiga Isbitaalka ay wareegsadeen sidaasina ay Wasaarada Caafimaadka ugu soo bandhigeen in isbitaalkii loo dhiso, wasaaradiina ay ka aqbashay.

 

Wasiir Dr C/wali oo sii hadlayaa ayaa ugu baaqay Bulshada Xeraale in ay Isbitaalak ay7 ilaalsadaan isla markaasina ay ka faa,iideystaan.