isdiiwaangelin Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Sida uu qorshaha yahay waxaa maanta oo Isniin ah bilaabaneysa is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kulankoodii labaad yeeshay ayaa soo saaray Jadwalka iyo qaabka ay u dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Golaha.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM, sida ku xusan warqada, ay soo saareen Guddiga.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka kana mid ah Golaha Wasiirada ayaa laga dalbaday in Guddiga qaban qaabada ay u keenaan cadeyn ku xusan is casilaada marka uu is diiwaangelinayo, waxaana maanta ilaa berri laga yaabaa in ay is casilaan xubno Wasiiro ah oo u tartamaya xilkan.

Guddiga qaban qaabada Doorashadfa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo fadhigooda uu yahay xarunta Villa Hargeysa ayaa shaaciyay in Doorashada Guddoomiyaha Golaha ay dhaceyso 30-ka bishan April oo ku beegan Isniinta soo socota.