Isgoyska Zoobe Oo Saaka xiran

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay dhagxaan ku jaray kala wareeggii Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ,halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay laga sameeyay Mashquul iyo Saxmad badan.

Ciidamada iyo maamulada degmooyinka  Hodon iyo Wadajir ayaa xalay fuliyay Amar ay sheegeen in uu kasoo baxay Madaxda gobolka Banaadir oo ahaa in dhagaxaan lagu jarayo Isgoyska Soobe.

Gaadiidka raba in ay aadaan Buulo Xuubeey ayaa ka soo wareegaya  Al-baabka Wasaaradda Arimaha Dibadda halka gaadiidka raba in ay aadaan Banaadir ay kasoo wareegi doonaan Laamiyaraha Zoobe ee Muqdisho.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay yareynta Saxmada Isgoyska Soobe, waxaana xusid mudan in dadka Shacabka ay dhibaato kala kulmaan Marista wadada.