Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah ku qaabilay isimada ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hoggaanka dhaqanka iyo mideynta bulshada. Isimada kulanka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Suldaan Mursal, iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi, iyo marti sharaf kale.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada, gaar ahaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada sida amniga, adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta dowladnimada. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhab ah oo ka dhexeysa dowladda iyo isimada dhaqanka, si loo helo xal waara oo lagu gaari karo nabad, xasillooni iyo horumar.
Sidoo kale, isimada ayaa dhankooda muujiyay doorka ay diyaar u yihiin inay ka qaataan dadaallada nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo wacyigelinta bulshada, iyagoo xusay in iskaashiga dowladda iyo bulshada uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar joogto ah.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay isimada kaalintooda muuqata ee ay ku leeyihiin ilaalinta midnimada bulshada iyo taageerada dowladnimada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaalladaas, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan oo ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.