Iska horimaad ka dhacay Garowe

Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib Iska horimaadka Magaalada Garowe ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kooxo burcad ah.

Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay  ciidamada amniga iyo dabley hubaysan oo ka ganacsada maandooriyaha uu dagaal dhexmaray kadib markii Ciidamada Ammaanka ay weerareen.

Taliyaha ayaa sheegay iska hor imaadkaan inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamadu ammaanku ay qaadeen howgal ka dhan ah Maandooriyaha.

Waxaa uu xusay inay iska caabin kala kulmeen koox maandooriyaha ka ganacsada oo ay ciidamadu doonayeen inay gacanta kusoo dhigaan.

Gen. Muxyadiin Axmed Muuse ayaa tilmaamay iska hor imaadkaan inay ku dhimatay qof dumar ah oo ay haleeshay rasaasta la isweydaarsanayay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidamada amniga ee howgalka qaaday.