Isku dhacyo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Turkiga

Iyadoo toddobaad un ay ka harsan tahay doorashada dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xiisad ay ka jirto magaalaada ay Kurdiyinta ku badanyihiin ee Suurach, halkaasi oo dad hubeysan ay ku dilleen saddex ruux, sideed kale na ay ku dhaawacmeen.

Xisbiga tallaeda haya ee dalka Turkiga ee AK party ayaa lagu soo warramayaa inuu ku lug leeyahay isku dhacani.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dhawaan uu soo baxay muuqaal muujinaya madaxweyne Erdogan oo u caqa jugleynaya Kurdiyiinta dalkaasi, si uu ugu guuleysto doorashaad.

Isku dhacayada ayaa bilowday kaddib markii xlidhiaan ka tirsan xisbiga AK, oo lagu magacaabo Xildhibaan Ibrahim Hali Yikdz uu booqday qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee magaalada Suruc, eek u dhaw xuduuda Turekyga Syria la leedahay.

Warbaahinta taabacsan dowlada ayaa sheegtay in si weyn loo soo dhaweeyay xildhibaankaan blasé dagaalyhanada Kurdishka ayaa weeraray gawaaridii uu saarnaa.

Illo wareedyo dhanka mucaaradka ayaa sheegay in ilaaladiisu ay rasaas fureen, walaalkiisana uu ka mid yahay dadka goobtaasi ku dhintay.

Tani ayaa ah calaamad muuJineysa xiisada taagan maamlma uun ka hor doorashada adage e Turkeyga, taasi go’aamin doonto cida soo baxdo codadka muhiimka ee Kuridshka.

Haddii xisbiga Kurdishka ay helaan codad ku filan oo ay kusoo galaan baarlamaanka , ayaa taasi laga yaabaa inay kala dhantaasho aqlabiyada xisbiga talada haya ee madaxweyne Erdoga ee AKP, heseyeeshee waxaa baraha bulshadu ay isticmaasho loo dusiyay muuqaal muran badan dhaliyay, kaasi oo muujinaya madaxweyne Erdogan oo u sheegaya saraakiisha xisbiga inay isha ku hayaan xisbiga Kurdishka.