Magaalada Minneapolis ayaa wajahaysa xaalad kacsan kaddib markii ay bilaabmeen howl-gallo ay ciidamada Hay’adda Socdaalka Mareykanka (ICE) ka fuliyeen xaafado ay ku badan yihiin dadka soogalootiga ah, taasoo dhalisay cabsi, gacan-ka-hadal iyo kala fogaansho bulsho. Howl-galladan ayaa sababay in ganacsiyo badan oo ay leeyihiin dad soogalooti ah, gaar ahaan Soomaalida iyo Latino-ga, ay xirmaan, halka dad badan oo shacab ahna ay guryahooda isku xireen cabsi darteed.
Duqa Magaalada Minneapolis, Jacob Frey, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada, ayaa si adag u cambaareeyay saameynta taban ee ka dhalatay siyaasadaha socdaalka ee maamulka Trump, isagoo sheegay in ay abuureen jawi cabsi iyo qalalaase ah halkii ay ka dhisi lahaayeen kalsooni iyo wada noolaansho bulsho.
Kulanka uu qabtay Duqa Magaalada waxaa ku wehlinayay Taliyaha Booliiska Minneapolis, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen haldoor iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshooyinka magaalada, kuwaas oo matalayay jaaliyadaha kala duwan ee ku nool Minneapolis.
Duqa magaalada ayaa sheegay in xubno badan oo ka tirsan bulshada Latino-ga iyo Soomaalida ay ka baqayaan inay bannaanka u baxaan, aadaan goobaha ganacsiga, dukaamada raashinka, kaniisadaha iyo masaajidda, xitaa inay albaabada guryahooda furaan, iyagoo ka walaacsan ammaankooda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dadkan ay yihiin dad si weyn uga qayb qaatay horumarka magaalada, kana dhigay Minneapolis meel ka wanaagsan sidii hore.
Jacob Frey ayaa sidoo kale tilmaamay in cabsi darteed, hoos u dhac weyn uu ku yimid ganacsiyada yaryar iyo kuwa maxalliga ah, taasoo keentay in qaar badan ay albaabada xiraan, maadaama aysan awoodin bixinta kirada iyo kharashaadka kale ee shaqada. Waxa uu xusay in tani ay si toos ah u saameyneyso dhaqaalaha guud ee magaalada.
Duqa magaalada ayaa shacabka Minneapolis ugu baaqay inay garab istaagaan ganacsiyada ay leeyihiin dadka soogalootiga ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla East Lake Street, Cedar-Riverside, Midtown Global Market, Mercado Central, Plaza Mexico, Carmel Mall iyo goobo kale oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo dhaqanka magaalada. Waxa uu sheegay in taageeridda ganacsiyadan ay tahay tallaabo fudud balse saameyn weyn leh.
Dhankiisa, Taliyaha Booliiska Minneapolis ayaa caddeeyay in magaalada ay dhaqan-gelisay xeer kala-soocid (Separation Ordinance), kaas oo mamnuucaya in booliiska magaalada ay weydiiyaan ama ka qayb qaataan arrimaha la xiriira xaaladda socdaalka ee dadka. Waxa uu hoosta ka xariiqay in muwaadiniinta iyo dadka degan magaalada ay si kalsooni leh u wici karaan 911, isla markaana ay booliisku u taagan yihiin oo keliya ilaalinta ammaanka shacabka.
Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu soo gabagabeeyay baaq mideysan oo ku wajahan shacabka Minneapolis, kaas oo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada, kala duwanaanta iyo wada noolaanshaha bulsho, lana garab istaago jaaliyadaha soogalootiga ah xilli ay wajahayaan waqti adag.
