Hoggaanka sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan heer sare ah oo soo dhaweyn iyo isbarasho isugu jira u sameeyay Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed, kaas oo dhowaan xilkan uu u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare, agaasimeyaal waaxeedyo, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay Wasiir Ku-xigeenka cusub, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow iyo isfaham buuxa oo ka dhex abuurma hoggaanka Wasaaradda.
Intii uu socday kulanka, waxaa hadallo dhiirrigelin iyo soo dhaweyn isugu jira jeediyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo tilmaamay in magacaabista Wasiir Ku-xigeenka cusub ay tahay mid xoojin doonta howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta istiraatiijiga ah, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sidoo kale ku boorriyay Wasiir Ku-xigeenka cusub in uu la yimaado dadaal, hufnaan, iyo hoggaan ku saleysan wadajir.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax, ayaa isna ka hadlay kulanka, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay mar walba u baahan tahay hoggaan firfircoon oo la jaanqaadi kara baahiyaha isbeddelka iyo horumarka dalka. Wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha Wasaaraddu ay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiir Ku-xigeenka cusub si loo gaaro yoolalka horumarineed ee Wasaaradda horyaalla.
Dhankiisa, Wasiir Ku-xigeenka cusub, Mudane Ismaaciil Ciid Maxamed, ayaa uga mahadceliyay hoggaanka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, isaga oo muujiyay farxaddiisa ku aaddan xilka loo igmaday. Wuxuu ballan qaaday in uu si hufan oo daacadnimo leh uga shaqeyn doono waajibaadka loo idmaday, isla markaana uu door muuqda ka qaadan doono horumarinta howlaha Wasaaradda.
Ugu dambeyn, Wasiir Ismaaciil Ciid Maxamed ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, xilkaas oo uu horey isaga casilay Mudane Maxamed Aadan Maxamed. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo muujinaya wadajir, iskaashi iyo rajo ku aaddan horumarinta shaqada Wasaaradda.