Israsaaseyn dad ku dhaawacmeen oo ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Israsaaseyn ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan Booliiska Magaalada Garowe ee xarunta maamulka puntland ayaa la xqiijiyeyin ay ka dhalatay dhaawacyo.

3 Ruux oo shacab ah iyo hal Askari ka tirsan ciidanka booliska puntland ayaa ku dhaawacmay, israasseeynta ayaa u dhaxeysay Ciidamada Booliiska Punland iyoCiidamo uu  xukumo Jeneraal  lagu magacaabo Muxiyadiin Axmed Muuse oo ah taliyihii hore ee ciidanka booliska puntland .

Israaseeynta xalay ka dhacday  magaalada Garowe ayaa Socotay in ka badan 15-daqiiqo  waxaana ay sababtay in lagu kala cararo Aaga barxada oo ka mid ah Goobaha ugu mashquulka badan isu-socodka iyo Ganacsiga magalada Garowe sida ay ay Warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan kahla ay wax ka dheceen .

Inkasto si sax ah loo ogeyn waxa keenay in ay iskudhacaan labadaan ciidan hadane wali kama aysan hadlin Maamulka Puntland.