Israsaaseyn Ka Dhacday Degmada Hobyo & Khasaaro Ka Dhashay

Wararka Radio Galgaduud uu ka helayo Magalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in is rasaaseyn Magalada Hobyo ku dhexmartay dabley hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug.

Xilliga ay is rasaaseynta dhaceysay ayaa Ciidamada Booliska Galmudug waxa ay wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinaya,waxanq ay isku dhaceen rag hubeysan o doonayay inay falal amndairo ah geystaan Magalada.

Dad ku sugan degmada Hobyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in is rasaaseyntaas uu ku geeriyooday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Galmudug,isla markaana xaaladu ay tahay mid degan.

Maamulka degmada Hobyo ee  Gobolka Mudug iyo saraakiisha Ciidamada booliska weli wax faah faahin dheeraad ah kama bixin is rasaaseynta ka dhacday degmada hobyo.