Itoobiya: oo Ardey ka soo jeeda Maamulka Somaliland u diiday shahaadooyinka Jaamacadda

Arday Soomaaliyeed oo ku wax ku baratay dalka Itoobiya, islamarkaana bartay kulliyadda Caafimaadka ay dowladda Itoobiya waxa ay u diiday in siiso Shihaadooyinkii ay la haayeen markii ay dhammeeyeen Jaamacadda.

Ardaydaan oo tiradoodu gaarayso 17 arday ayaa kasoo jeedda maamulka Somaliland.

Dhakhatiirta Qalin-jabisay Waxa ka mid ah 17 Dhakhter oo Sanadkii 2011-kii Waxbarasho u Doontay Dalka Ethiopia, Sida ay Sheegeen Dhakhaatiirta qaar ka mid ah iyo Waalidiintoodiiba.

Waxaa lagu sheegay sababaha looga haysto Shihaadooyinka in ay yihiin  in dawlada Ethiopia kala xeer dhigtay Dhakhaatiirta  Muwaadiniinteeda ah ee ay Isku Wakhtiga dhammaysteen Waxbarashada.

Xeerka Ethiopia ee Ardayda caafimaadka bartay ayaa dhigaaya inaan la siin Shahaadada ilaa uu laba sanno oo tabarucaad ah ugu shaqeeyo dadkiisa, kanna hawl-galo Xarumaha dawladda ama waa inuu bixiyaa 80,000 Bir si loo siiyo liisanka Dhakhternimada iyo Shahaadadiisa.

Dhakhaatirtan oo ku dacwooday inay yihiin ajaanib soo waxbarasho doontay Somaliland ayaa Wasaarada caafimadka ee Ethiopia ku xirtay in Somaliland soo cadayso oo warqad u soo qorto.