Itoobiya oo Beenisay inay Ku Xad Gudubtay Madaxbanaanida Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayaa qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.

Qoraalkan oo ay ku sheegtay in ay dowladda federalka Soomaaliya ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, ayaa looga dan leeyahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.

Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, beeraha, caafimaadka, ammaanka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Qodobada ugu weyn ee qoraalka Itoobiya ku jira ayaa kala ah;

2- Wuxuu ka aamusay ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka saldhigga milateriga.

5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika ee iyaga danta u ahaa iyo dhex-dhexaadinta Obasanjo oo lagu yaqaan u qareemidda ictiraaf raadinta Somaliland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma uu shalay meel-mariyey in is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah, waxaana muuqata in Itoobiya wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.