Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhaq-dhaqaaqyo ay Itoobiya ka billowday qaybo kamid ah gobolka Gedo, taas oo la xiriirta xiisadda diblomaasiyadeed ee kala dhexeysa Soomaaliya, kana dhalatay heshiiska badda.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay saacadihii ugu dambeeyay kasoo gudbeen xadka uu gobolka Gedo la wadaago Itoobiya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.
Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Rukoow ayaa sheegay in ciidamadaas aysan ahayn kuwii horay u joogay gobolka Gedo.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadaan ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan diyaarado Helicoptero ah, sida uu hadalka uu dhigay.
Rukoow ayaa sidoo kale xusay in ciidamadaas ay isku sii fidyeen gobolka intiisa kale, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.