Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isagoo kaashanaya Qeybta Booliska Soomaaliyeed ee la shaqeysa Booliska Caalamiga ah (Interpol), ayaa gacanta ku dhigay Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu qabtay dalka Rwanda.
Eedeysanaha ayaa muddo baxsad ka ahaa hay’adaha garsoorka dalka, waxaana loo haystaa dembiyo culus oo ay ka mid yihiin kufsi, duubista muuqaallo anshax-xumo ah, iyo tacaddiyo ka dhan ah gabdho Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed in ay cadaaladda horkeenaan shakhsiyaadka ku lug leh falalka lidka ku ah sharciga iyo anshaxa guud ee bulshada.