Jaamacada Plasma ee faraceeda Degmada Guriceel oo Tababar u furtay ardeyda Sanadkaan ka qalin jabinaya Fasalka 4aad ee Dugsuga sare.

Jaamacadda Plasma University Faraceeda Degmada Guriceel waxa ay shalay daah furtay Todobaadka dhiirigalinta Ardayda Sanadkaan ka qalin jabinaya Fasalka 4aad ee Dugsiga sare.

Daahfurka tababarkaan waxa kasoo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ugu horeeyo Xoghayaha Degmada Bashiir Max,ed Salaad Sanka, Maamulayaal,Macalimiin iyo Marti sharaf kale.

Inta lagu guda jiro isbuucaan ayaa ardayda waxaa la siin doonaa tababaro kala duwan oo ku saabsan sida ardayku u raaci lahaay tilmaamaha Imtixaanka qaranka ( national exam) oo la galayo 27-May ee sannadkaan, iyo sida uu isaga saari lahaay ardeygu cabsida.

Tababarkii shalay esxaa loo qabtay illaa 150 arday oo ka socday Iskuulada kala ah, #Ablaal iyo #Al_Mamuun oo si weyn uga faa,iideystay siminaarka. inta badan ardayda ayaa muujiyey inta uu socday Tababarka ka qeyb wanaagsan, waxa ayna su,aalo ka weeydiinayeen qubarada iyo Macalimiinta soo jeedineeysay siminaarka.

Muddo isbuuc ah ayuu socon doonaa siminaarkaan waxaana loo qaban doonaa dhammaan ardayda Fasalka 4aad ee Dugsiyada sare ee degmada.