Jabuuti Oo Ciidamo Cusub U Soo Dirtay Soomaaliya..

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ciidan cusub usoo dirtay Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada horay Dalka uga joogay iyo kuwa Dowladda Federaalka si ay uga wada qaybgalaan xoojinta Amniga, la dagaalanka ‘AS’ & Kordhinta wadashaqaynta ka dhaxaysa.

Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida Jamhuuriyadda Jabuuti Gen. Sakariye Sheekh Ibraahim oo la hadlay Ciidankaan kahor inta aysan soo ambabixin ayaa kula dardaarmay in dhaqankooda wanaagsan aanay marnaba doorin.

Xaqiijinta Amniga Soomaaliya ayuu u dhinac dhigay in ay lamid tahay xoojinta Ammaanka Jamhuuriyadda Jabuuti maadaama labada Jamhuuriyad ee Walaalaha ah midba midka kale uu kala damqanayo dhibaatooyinka soo gaara.

Gen. Sakariye ayaa sheegay in abaalka ay Jamhuuriyadda Jabuuti u hayso Soomaaliya uu yahay mid aan soo koobmayn balse maanta oo ay garab ugu baahan tahay aanay meel cidlo ah uga tagi doonin waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal waxa ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyaga oo ka howlgalla Gobolka Hiiraan, waxaana muddooyinkii dambe ay qayb ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.