Jabuuti oo Martigelineysa Xuska 25 Sano Guuradii Shirkii Carta.

Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa martigelineysa munaasabad lagu xusayo 25 sano guuradii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee 2000-kii.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, mucaaradka, mas’uuliyiin hore iyo bulshada rayidka, waxaana martigelinaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta ayaa horey u gaaray Jabuuti, halka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo la filayo in ay dhawaan ku biiraan.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga jeediyo khudbado diiradda saaraya muhiimadda shirkii Carta ee saldhigga u noqday dhismaha dowladnimada Soomaaliya.