Jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

 

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Gobolka Waqooyi ee Somaliland ayaa lagu shaaciyay in doorashada Afarta kursi ee kala ah, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242 ay dhici doonto 17-ka Bishaan.

 

Saddexda Kursi ee doorashadooda la qabanayo iyo Xubnaha ku fadhiya ayaa waxaa ay kala yihiin.

 

1: HOP#264 oo uu ku fadhiyo Cabdifitaax Ismaaciil Daahir.

 

2: HOP#224 oo horay ugu fadhiyay Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo u wareegay dhinaca Aqalka Sare.

 

3: HOP#242 oo ay hadda ku fadhiso Faadum Ismaaciil Xuseen.

 

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa wada dardar gelinta doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana ay horay u qabteen doorashada kuraas farabadan.