James Swan oo markale dib loogu soo magacaabay Soomaaliya

James Swan oo dhawaan loo soo magacaabay inuu noqdo ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Sida lugu sheegay bayaan kasoo baxay UNSOM, Mr. Swan ayaa waxa uu imaatinkiisu diirada saari doona sidii dowladda Soomaaliya iyo bulshadeeda loogu gacan siin lahaa arrimaha hortabinta u leh, oo ay ugu horreyso nabadda iyo amniga.

Waa markii labaad ee Swan uu shaqo u yimaado Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.

14-kii bishan May ayaa Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ku dhawaaqay magacaabista Swan.