Jawaari oo kulan la Qaatay Madaxda AMISOM

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Kulanka Guddoomiye (Jawaari) waxaa ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa mid saacad iyo wax ka badan socday ayaa waxaa looga hadlay xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cidamada la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo howlaha sugidda amniga Xarunta.

Warar madax banaan ayaa sheegaya  in Guddoomiye (Jawaari) ka dalbaday AMISOM sugidda ammaanka xarunta Baarlamaanka, maadaama maalmaha soo socdo lagu wado in la guda galo cod u qaadista Mooshinka.

Waxay kaloo wararku sheegayaan in Madaxda Midowga Afrika ee AMISOM ay aqbaleen inay dardar geliyaan howlaha sugidda amniga xarunta Golaha Shacabka, si xasiloonida loo sii wado, oo aanay dhicin arbushaad.

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 17-kii bishan guud ahaan la wareegay Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio, Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan xarunta, Ciidamadan ayaa yimid kadib markii Guddoomiye Jawaari uu shaaciyay in Ciidamo uu soo diray Ra’iisul Wasaare ay la wareegeen xarunta.