Jawaari Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magalada Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa gelinkii dambe ee Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay,Xildhibaano isugu jira kuwa Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed,Odayaal iyo qaar ka mid ah Shacbaka Magalada Baydhabo.

Soo dhaweyn kadib Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inmasiirka Shacbaka Koonfur Galbeed uu Gacantooda ku jiro,isla markaana xildhibaanada ay xor u yihiin inay doortaan cidii ay doonaan.

Tegitaanka Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay  ee kadib Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa ku soo aadaya xill dhawaan la filayo ay doorashada Madaxweynaha KGS ka dhacdo Magalada Baydhabo,iyada oo  in kabadan 10 ruux ay u sharaxan yihiin xilka Madaxweynaha Soomaaliya.