Jawar Maxamed oo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Masar & Itoobiya

Khilaafka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka weyn ee ay xukuumadda Addis Ababa ka dhisayso webiga Blue Nile ayaa bilhii dambe sii xoogeystay.

Jawar Maxamed oo lagu sheego inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel ka dhaco dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra’isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn ayaa fariin uu bartisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Itoobiya aysan ka walaacin cabashada Masar.

“Ma’ahan inaan ka walaacno arrimaha ku saabsan Masar iyo dagaalka ka dhalan kara. Waa arrin faa’iido ugu jirta siyaasadda dalkooda. Dhibkeenna waa faragelin nooga timaada Maraykanka iyo Bangiga Adduunka. Xalka ugu dambeeya waa in la dhiso biyo-xireenka hanjabaad walba oo ka timaado.” Ayuu yiri Jawar Maxamed.

Masar ayaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay isbuucan ka codsatay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee ku saabsan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile inuu soo farageliyo.

Masar inta ay cabashadeeda si rasmi ah ugu gudbin Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Deguu Andargachew wuxuu warbaahinta dalka Itoobiya uu toddobaadki hore u sheegay Masar iney diyaar u ahayn in wadahadal wax weliba lagu dhammeeyo oo ay dooneyso Itoobiya iney cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan wadahadallada ay saarto.

Iyadoo boqolkiiba toddobaatan(70%) la dhammeystiray dhismaha biyo-xireenka ayaa waxaa la filayaa in bisha July la billaabo buuxintiisa, waxaana aad usii yaraanaya waqtiga lagu dhammeystiri karo wadahadallada.