Jose Mourinho Oo Beeniyey In Ay Cayaaryahanada Manchester United Ku Digasho Sameeyeen Guushii Ay Manchester City Ka Gaareen Kaddib

Jose Mourinho waxa uu beeniyey in ciyaaryahanada Manchester United ay ku digteen kuwa Manchester City kaddib guushii 3-2 ahayd ee ay ka gaareen.

City waxa ay u muuqatay mid gacan ku digtay Premier League kaddib  laba gool oo ay u dhaliyeen Vincent Kompany iyo  Ilkuy Gundogan qeybtii hore, laakiin soo laabasho uu hormuud u noqday Paul Pogba ayaa dhaawacay qalbigii jamaahiirta Man City.

Laba gool oo deg deg ah oo uu dhaliyey Paul Pogba ayaa cayaarta bar bar dhac ka dhigay kahor inta uusan midka saddexaad ugu shubin Chris Smalling.

Safka City ayaa lagu eedeeyey in ay dabaal dag ka bad badis ah sameeyeen cayaartii ay Old Trafford uga soo badiyeen United halka la is lahaa in ay aarsanayeen kuwa United kulankii sabtidii hore.

Waxaa la sheegay in Lingard bilaabay aflagaada ciyaaryahanada City loo geysanayey kaddib markii la ogaaday in xiddigaha Citizens  ay sii diyaarsadeen kuraastii ay maqaayadda ka fariisan lahaayeen si ay ugu dabaal dagaan hanashada koobka.

 Hase ahaatee, Mourinho wareysi ayaa ku beeniyey arintaas isaga oo  sheegay: “In aad badiso kulan Derby ah mar walba waa mid wanaagsan.

“Waan ku faraxsaneyn natiijada, hase yeeshee, dhammaan waxaan u dhaqanay si wanaagsan waana xushmeynay saaxiibadeena naga soo horjeeday ee murugeysnaa.”