Tababare Jose Mourinho ayaa wacay ciyaartoydiisa qeybta ka ahaa koobka Adduunka si ay xilli hore fasaxa uga soo laabtaan kadib markii kooxda ay ku dhibtootay iney guulo wax ku ool ah ka keento kulamada fasaxa dalka Mareykanka.
Jose Mourinho haatan waxaa ka maqan 17-ciyaartoy, wuxuuna doonayaa in Paul Pogba, Marouane Fellaini iyo Romelu Lukaku ay soo laabtaan, sidoo kalana ay xilli hore fasaxa kasoo laabtan qaar ka mid ah ciyaartoydii England u matalay tartankii lagu soo afjaray Russia.
Macalinka reer Portugal ayaa 9-ka mid ah ciyaartoydiisa ku waayay dhaawac waxaana ku jira Ander Herrera iyo Eric Bailly, sidoo kalana sideed ka mid ah ah ciyaartoyda waa kuwa wali fasax ku maqan oo aan tababarka kusoo laaban.