Jose Mourinho Oo Goor Hore Si Dadban U Xaqiijiyay Fikirka Uu ka Qabo Anthony Martial Iyo Hadii Uu Iibinayo Xagaaga.

Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn nolosha garoonka Old Trafford iyadoo warbaahinta qaar ay warinayaan inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa koxoda, balse shabakadda Mirror ayaa soo bandhigtay in macalinka reer Portugal uu goor hore go’aansaday inuusan iibin xidigaan.

22-jirkaan heerka caalami ayaa ku jahawareeray kooxda, mana helin boos joogto ah tan iyo imaatinka Jose Mourinho iyadoo xilli ciyaareedkaan uu culeys badan ku saa’iday makii uu yimid Alexis Sanchez.

Martial kuma soo bilaaban labadii kulan ee ugu dambeysay sidaas darteed hadal heynta mustaabqlkiisa la xiriirta ayaa baahday.

“Waxaan heysanaa Alexis, waxaan heysanaa Romelu, waxaan heysanaa Martial, waxaan heysanaa Rashford” ayuu yiri Mourinho bishii February.

“Rashford wuxuu ciyaari karaa bidix iyo midig, si la mid ah Sanchez dhamaan marka laga reebo Lukaku waxey ciyaari karaan lambarka 10-aad ee ka dambeeya weerarka”

 “Waa wax idiin xun ka saaafad ahaan sababtoo ah waxaad qortaa waxyaabo xan ah gaar ahaan xagaaga, balse ma doonayo weeraryahan, sidaas darteed kama hadlayo waxa ku saabsan ciyaartoy weerar ah oo halkaan imaanaya, sababtoo ah maba imaanayaan”

Si kastaba hadlaka Jose ayaa taabanaya inuusan qorshahiisa aheyn soo iibsashada weeraryahan taasoo kusi heyn karta Old Trafford xidig walba oo hadda jooga.