Jose Mourinho Oo Markale Khudbad Dheer Ku Weeraray Kuwa Eedeeya Xaaladda Manchester United

Tababare Jose Mourinho waxa uu sheegay in Mancehster United ay wali ku jirto xilli kala guur ah  laba sano kaddib markii uu ku soo biiray kooxda.

Mourinho waa tababarihii saddexaad ee ay United yeelato tan iyo markii uu ka fariistay maamulka Sir Alex Ferguson waxana la magacaabay xagaagii 2016, haddase waxaa mad madaw soo galay mustaqbalkiisa kooxda.

 

Kooxda wey ku guuldarreysatay hanashada Premier League ilaa iyo xilli ciyaareedkaas laakiin waxaa u suuragashay ruxidda FA Cup iyo League Cup.

Wali guuldarroon ayey ka soo hoynayaan Europe marka laga reebo in ay kal hore qaadeen Europa League halka ay hadda soo reebtay Sevilla.

Red Devils waxa ay ku jirtaa hadda kaalinta labaad ee Premier League walow ay 16 dhibcood ka hooseyso Manchester City.

Hase ahaatee, waxaa jira warar sheegaya in Jose Mourinho halgan ugu jiro baadinta shaqadiisa iyada oo la eryi karo haddii uu ku guuleysan waayo FA Cup, kuna fashilmo ku dhammeysiga kaalinta labaad.

Laakiin Mourinho wali waxa uu ku adkeysanayaa in kooxda la qabsaneyso qaababkiisa.

 

“Waan dareemi karaa jahwareerka, waxaan fahansanahay carada ah in nalaga soo ciribtiray Champions League, laakiin ma fahmi karo wax intaa ka baxsan,” ayuu Mourinho u sheegay CNN.

“Taariikhda kubadda cagta ee aduunka,ma aha oo kaliya England, kooxaha waa weyn oo ah waxaad ku arkeysaa xilliga kala guurka, waxaad arkeysaa kooxaha ugu waa weyn oo ay jirto xiliyo guulo oo joogta ah, kuwanina waa marxaladaha kooxda.

“Waxaana qabaa xaqiiqda hadda Premier League waxaan haysanaa hal koox, hal koox oo ay caddahay oo si fiican nooga diyaarsan dhawrkii sano ee la soo dhaafay si ay nooga horreyso waxaana jira 18 kooxood oo naga hooseeya anaga. Hal naga horreysa, 18 naga dambeeya.

“Dabcan mustaqbalka waxaan rabnaa 19 kooxood oo naga dambeeya laakiin tani waa xaqiiqada.

“Waxa ayna xaqiiqo  u tahay dadka maskaxda leh, dareenka leh, oo waaqiciga ah, aqoonta u leh ciyaaraha, waxaan ku jirnaa xilli kala guur.

“In uu ku jiro kala guur oo uu wali awoodo in uu sameeyo wixii uu xilli ciyaareedkii hore sameeyey ee ah ku guuleysiga koobab oo uu isku dayayo in uu sidaas xilli ciyaareedkan sameeyo, oo ah ku guuleysiga koob, isku dayaya noqoshada kooxda labaad, maxaa yeelay waqtigan waa booska kaliya ee suurtagalka noo ah.

“Waxaan qabaa in aan boos fiican joogno.”