Jubbaland Oo Warka Soo Saarey Taliye Laga Celiyey Garoonka Kismaayo

Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland waxa ay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ka celiyeen Taliye Cusub oo dowladda Soomaaliya u magacaawday Guutada 43aad ee ka howlgasha deegaanada Maamulkaas.

Taliyaha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Cali Bogmadow,waxana la sheegay in uu ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho balse markii uu ka degay Garoonka diyaaradah Kismaayo loo diidy in uu si aado halkii uu ku wajahnaa,kadibna uu dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho

Warka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in arrintaay ay timid kadib markii dowladda iska-dhega tirtay heshiiskii lagu gaaray London 11 Bishii May Sanadkii 2017 kaas oo qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan wadatashi kala yeelan madaxda Jubbaland Magacaabista taliyahaas,isla markaana taasi ay keentay in saakay garoonka Kismaayo laga celiyo.