Jubaland iyo Midowga Yurub oo Ka Wada Hadlay Qorshaha Horumarinta iyo Xaaladda Abaaraha

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud iyo xubno ka tirsan kooxda farsamada ee Wasaaradda, ayaa magaalada Nayrobi kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Francesca Di Maura, oo ay wehelinaysay Madaxa Iskaashiga Midowga Yurub.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray Qorshaha Horumarinta Jubaland ee shanta sano ee soo socota, kaas oo si wadajir ah ay u diyaariyeen Dowladda Jubaland iyo Midowga Yurub. Qorshahan ayaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha maalgashi ee Jubaland.

Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira deegaannada Jubaland, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay nolosha shacabka, isla markaana u baahan jawaab degdeg ah, taageero bani’aadannimo iyo xalal waara oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada.

Wasiirka Qorshaynta Jubaland ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan horumarinta Jubaland, dadaallada dowlad-dhiska iyo taageerada joogtada ah ee dhinacyada horumarinta iyo bani’aadannimada. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Jubaland.

Dhankeeda, Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Francesca Di Maura, ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee laga qabtay diyaarinta Qorshaha Horumarinta Jubaland, iyada oo xustay in qorshahan uu muujinayo hoggaan, aragti fog iyo wada-shaqeyn miro dhal ah. Waxay intaa ku dartay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay in uu sii labanlaabo taageerada uu ku bixinayo hirgelinta qorshaha iyo horumarinta guud ee Jubaland.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, si loo dardargeliyo horumarka, loo helo taageero waarta, loogana jawaabo caqabadaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee ka jira deegaannada Jubaland.