Jubbaland Oo digniin udirtay Dowlada dhexe ee somaaliya

Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo degaanada Jubbaland gaar ahaan marka la gaaro doorashada Jubbaland.

Wuxuu tusaale u soo qaatay diyaar garowga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ee hada ka socota magaalada Baydhabo, taasi oo uu tilmaamay in faragelin toos ah lagu hayo, islamarkaana la taageerayo musharax gaar ah.

C/rashiid Janaan ayaa sheegay waxa dadka qaar lagula dhaqmayo cidii la timaada degaanada Jubbaland inay ka celin doonaan garoonka, oo aan laga aqbali doonin inuu gudaha u galo Jubbaland.

Wuxuu sheegay in aysan marnaba dhageysan doonin cidii ku cayaarta nidaamka ka jira degaanada Jubbaland, qofka uu doono ha ahaado.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hada waxaa lagu dhaliilayaa inay faragelin toos ah ku heyso doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii gaadiidka aanay xabadu karin iyo ciidan hubeysan ay geysay magaalada Baydhabo.

Audio Player