Jubbaland Oo Ka Hor Timid Go’aankii Ka Soo Baxay Dowladda Federaalka

Kadib markii xalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ay Go’aano ka soo saartay howlaha doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Go’aankaas ka hor yimid maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay faragelin qaawan ku heyso arrimaha doorashooyinka,isla markaana taasi aan la qabali doonin.

Maamulka Jubbaland ayaa uga digay dowladda Federaalka in wixii dhibaato ah oo ka yimaada doorashada Jubbaland ay Mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii Warka ka soo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka loogu baaqay inay si dhow ula socdaan faragelinta ay dowladda ku heyso arrimaha  doorashooyinka Jubbaland.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka  ka soo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland.