Jubbaland Oo Kahadashay Weerarkii Lagu Qaaday Baar-Sanguuni

Saakay Waaberigii ayaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar culus oo qarax ku bilaawday ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,waxana weerarkaas faah faahin ka bixiyay Saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa shaaciyay in weerarkaas oo ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay fashiliyeen,isla markaana gaarigii ay Ciidamada Jubbaland qarxiyeen.

Sidoo kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Baar-Sanguuni ku dileen 73 ka mid ah Al-Shabaab,sidoo kalena weerar  dhinaca cirka ah ay Gaadiid uga gubeen sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku shaaciyeen in saakay deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay qabsadeen Saanad Millateri oo halkaasi yaallay.