Jubbaland Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid Casri Ah

Gaadiidkaas oo ah nooca loo yaqaano nooca Toyota land cruiser,ayaa waxaa Hay’adda laga leeyahay Jarmalka kala wareegay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale Goobta wareejinta waxaa ku sugnaa Wasiirka xiriirka iyo qorsheynta Jubbaland Aadan Aw Xirsi,waxana dowladda Jarmalka uu uga mahad celiyay garab istaaga Maamulka Jubbaland.