Jubbaland Oo Shaqadii kajoojisay Maamulka Degmada Baardheere

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa go’aan ku meel gaar ah ka soo saartey Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,iyada oo mas’uuliyinta Maamulka degamda looga yeeray Magaalada Kismaayo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa lagu sheegay in isaga oo fulinaya amarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uuu  soo saarey digreeto uu shaqada kaga joojinayo gudoomiyihii degmada Baardheere mudane Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow ) iyo gudoomiye ku xigeenkiisii Ismaaciil Sheekh Cabdi (Qorrax ) laguna amrey inay magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland ay soo galaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u  magacaabey Macalin Xuseen Cabdullaahi Xalane oo ah madaxa arrimaha Bulshada ee Degmada Baardheere inuu si kumeel gaar ah shaqada Maamulka degmada uu usii wado inta xal laga gaarayo.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.