Jubbaland Oo Sheegtay In Weerar Ku Dileen Xubno katirsal shabaab

Maamulka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Ciidamadooda deegaano hoostaga degmadaas ay suurtagashay inay dilaan dagaalmayaal ka tirsan Al-Shaabaab.

Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in Ciidamada howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Qoondhoob oo 38km u jirta degmada Buurdhuubo ay ciidamada ku dileen 2 Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab iyo 7 ka tirsan ilaaladooda sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan oo amaanka lagu ilaalinayey,isla markaana sidoo kale ay gacanta ku dhigeen hubkooda.

Majirto wax wara ah oo dhankooda ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan Maamulka Jubbaland oo sheegay in la dilay 2 Sarkaal iyo 7 ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal laga fuliyey deegaan hoostaga degmada Buurdhuubo.