Jubbaland Oo Sheegtay in Weerarkii Al-shabaab Ay ku soo qadeen Ay iska difaaceen

Ka dib weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee saakey Waaberigii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa weerarkaas ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Korneel Mukhtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta  ayaa wax auu sheegay in weerarkaas qaraxyada ku bilaawday ay ka hor tageen,isla markaana uu ahaa mid ay ku guuldareesten waa sida uu hadalka u dhigey.

Waxa uu sheegay in gaarigii ay waxyaabaha qarxa kasoo buuxiyeen uu ku qarxay meel u dhow fariisinka Ciidamada ay  leeyihiin,intaasi ka dibna uu bilaawday dagaal socday mudo 30 Daqiiqo ah.

Korneel Mukhtaar Cabdi Maxamed ayaa qirey in uu jiro khasaaro soo gaarey labada dhinac ee Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda,balse weli ay wadaan baaritaano lagu ogaanayo khasaaraha rasmiga ah,waxa uuna beeniyey in Al-Shabaab ay xerada Baar Sanguuni gudaha u galeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda War ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay weerarkaas Baar Sanguuni ku dileyn 27 Askari.