Jubbland Oo deeganadeeda Kahir gelisay Carumo Karaantiil

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka jubbaland ahna Gudoomiyaha Guddiga ka hortagga iyo xakameenta cudurka Covid-19  Dr Mursal Mohamed Khaliif aya ka daah furay sheybaarka lagu baaro Cudurka Covid-19 deegaanada jubbaland gaar ahaan degmooyinka Kismaayo iyo Beled Xaawo.
Furitaanka Xarumahaan ayaa waxaa gacan weyn ka geystay fuuritaanka shaybaarka Wasarada Caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya iyo sheybarka dhexe ee Soomaliya,waxaana soo dhaweeyay bulshada ku nool deegaanada jubbaland kuwaas oo baahi weyn u qabay helida shaybaar lagu baaro Cudurka.
Dadka loogas hakiyo in uu hayo Cudurka coronavirus ayaa waxaa dheecaanadooda baaritaano loogu soo qaadi jiray Magalada muqdisho taas oo waqti badan qaadan jirtay gaarsiinta shaybaarka dhexe iyo helida jawaabta baaritaanada,hayeeshee hadda kadib baaritaanada cudurka covid-19 waxaa si toos ah loogu sameyn doonaa degmooyinka Kismaayo iyo Beled Xaawo,sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Jubbaland.
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in tallaabadaan looga looga maarmi doona waqtigii badnaa ee ku bixi jiray qaadida baaritaanka iyo helida jawaabaha, sidoo kale ay ka  caawin doonto xakameenta iyo la tacaalida cudurka covid-19.