Jubbland Oo Sheegtay in talaabo laga qaadayo odayaashii Qatay Amarkii Alshabaab

Iyada oo dhawaan Al-Shabaab ay soo bandhigeen qeybtii u horeysay Odayaasha iyo Ergadii soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka ee iska diiwaan geliyay xarumaha Al-Shabaab ayaa war ka soo baxay maamulka Jubaland waxaa uu digniin loogu diray Odayaashaas.

La-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaadayaan Odayaashaas, isagoo xusay in Odayaashii u tagay Al-Shabaab ay iyagana la mid yihiin.

Sidoo kale waxaa uu uga digay Odayaasha ku nool deegaannada Jubbaland inay qaataan Amarada Al-Shabaab, cidii qaadatana aysan ku soo laaban karin deegaanadooda.

Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha ay la kulmi doonaan ciqaab ay kamid yihiin ganaax iyo xabsi mudo Lix bilood ah.

In kabadan 150 Oday dhaqameed oo katirsan Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay iska diiwaan geliyay Xarumaha Al-shabaab ee ku yaalla gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.