Jurgen Klopp Oo Weerar Ku Qaaday Difaaca Kooxdiisa Liverpool Kadib Guuldaradii Xanuunka Badnayd Ee Kasoo Gaartay Kooxda Manchester United.

Liverpool ayaa guuldarro 2-1 kala kulantay kooxda Manchester United kulankii ka tirsanaa kulamada 30-aad ee horyaalka Premier League-g ee Waqooyiga Galbeedka ee dalka England.

Kadib marka uu soo idlaaday kulankii ay guuldarada kasoo gaartay kooxda Manchester United ayuu macalinka reer Germany ee kooxda Liverpool Jürgen Klopp la hadlayay saxaafada wuxuuna yidhi: “Waxaan la kulanay 2 gool waliba si aan habooneen, waxaan luminay inaan diirada saarno inaan u difaacano si adag, waan qaldanay waxaana naga dhashay 2 gool”.

 

Jürgen Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas kusii daray: “Suuragal ma noqoneyso inaad fursad siiso weerarka kaliya ee goolka hortiisa ah, tusaale ahaan sida uu inooga dhashay goolkii hore, kani waa qalad wadajir ah oo ay waajib tahay inaan ka fogaano maalmaha soo socda”.

Macalinka reer Germany ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Xaalado badan ayaa laga yaabaa inaad u lumiso kubadaha sare ee dhanka Romelu Lukaku, laakiin waa inay jirtaa fal celin, kadib maanan kahor istaagin fursadaha ay ku dhaliyeen goolashooda”.

Si kastaba Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka tirsatay kooxda Liverpool waxaana kulankan go’aamiyay da’yarka Marcus Rashford kaas oo laba gool ugu shubay Reds, halka Eric Bailly uu iska dhaliyay goolka kaliya ee ay Reds kulankan kula timid. Guusha ay Manchester United gaadhay ayaa la micno ah in ay shan dhibcood sare uga baxday kooxda ay kaalinta labaad ku tartamayaan ee Reds.