Maamulka Koonfur Galbeer ayaa si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka.
Wasaaradda amniha Koonfur Galbeed ayaa been abuur ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya.
Sidoo kale wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed oo soo jawaabtay ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamtay hadalka Xuseen Macallin ee ku saabsanaa doorka ay ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan howlgalka beddelaya ciidamada ATMIS.
Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale u mahad-celisay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanadeeda, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ciidanka Itoobiya oo hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.
Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.