Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maadeey Nuur Sheekh Ufurow ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo safarkiisu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo howlgalada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaannada maamulkaasi.
Janaraalka ayaa markii uu gaaray garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Kaaliyaha Taliska Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed Cabdullaahi Aadan Xuseen Cirro, saraakiisha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ciidamada.
Ujeedka socdaalka Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay kormeer shaqo, u kuurgalidda xaaladda ciidamada ku sugan furimaha hore, iyo dardargelinta howlgalada lagu sugayo amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo, Janaraal Maadeey Nuur Sheekh Ufurow ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiisha ciidamada, talisyada qeybaha kala duwan iyo masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, si looga wada hadlo qorsheyaasha amni, xoojinta wada-shaqeynta ciidamada iyo dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.
Saraakiisha soo dhaweysay taliyaha ayaa tilmaamay in booqashadiisu ay muhiim u tahay dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka iyo xoojinta howlaha amni ee ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii xoojinayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.