Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka qeyb galay munaasabad rasmi ah oo lagu dhaarinayay Dufcadda 9aad ee Layli-Saraakiisha Guutada 22aad ee Kumaandooska Gorgor

Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Madeey Nurey Sheekh Ufurow, ayaa ka qeyb galay munaasabad rasmi ah oo lagu dhaarinayay Dufcadda 9aad ee Layli-Saraakiisha Guutada 22aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay diyaar-garowga, anshaxa iyo heeganka saraakiisha cusub, kuwaas oo loo diyaariyey inay gutaan waajibaadkooda qaran, difaacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ka qeybqaataan ilaalinta amniga iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sareeye Guuto Madeey Nurey Sheekh Ufurow ayaa saraakiisha cusub kula dardaarmay inay ilaashadaan anshaxa ciidanka, wadajirka, daacadnimada iyo waajibaadka qarannimo, isla markaana ay si buuxda ugu hoggaansamaan sharciga iyo xeerarka ciidanka.

Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay inay dhowraan karaamada iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, ayna gutaan waajibaadkooda si masuuliyad, hufnaan iyo waddaniyad leh.

Dufcaddan cusub ee Layli-Saraakiisha ayaa ka mid noqonaysa ciidamada Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo loo tababaray inay qaadaan waajibaadyo la xiriira difaaca dalka iyo ka qeybqaadashada howlaha amniga ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.