Kal-Fadhiga 4aad Ee Aqalka Sare Oo Maanta Furmay & Madax Ka Qeyb Gashay

Magalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha Aqalka Sare waxaa Maanta ka furmay kal-fadhiga 4aad ee xildhibaanada Aqalka sare oo bilihii u dambeysay fasax ay ku maqnaayeen.

Kal-fadhiga 4aad oo horay u baaqday ayaa waxaa furitaaniisa Maanta goobjoog ka ahaa,Guddoomiyaha Aqalka Sare labadiisa ku xigeen,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka,safiirada Soomaaliya u fadhiya Wadamada turkiga iyo Khadar.

Kulanka ayaa waxaa Maanta furitaankiisa aan goobjoog ka aheyn Madaxweyne Farmaajo oo Dastuurka uu qabo in uu furo kulamada Baarlamaanka markii ay xildhibaanada fasaxa ka soo laabtaan.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulankoodii furitaanka ee maanta waxa ay uga hadleen qodobo dhowr ah.

Goordhow la socda Codadka mas’uuliyiinta kulanka ka hadashay.