Waxaa Goordhow Xarunta Aqalka Sare ee Magalada Muqdisho ka furmay Kal-fadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare,kaas oo guddiga joogtada ay Go’aamiyeen in uu furmo Maanta oo Isniin ah.
Kulanka ayaa lagu waday in uu furo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse uu ka baaqsaday,waxaana goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare.
Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in aysan waajib Dastuuri ahayn in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu furo Kulanka Golaha Aqalka sare.
Furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa kusoo aadaya xilli weli aan wax wadashaqeyn ah aysan laheyn Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.