Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad oo si rasmi ah loo daah-furay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad, iyada oo la raacayo qodobka 90aad ee Dastuurka. Madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka.
Mas’uuliyiinta goobta joogtay waxaa ka mid ahaa:
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,Duqa Muqdisho,Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo mas’uuliyiin kale
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa furitaanka ka hadlay, isagoo soo bandhigay waxqabadkii kalfadhigii hore.
Khudbaddii Madaxweynaha:
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu khudbaddiisa ku adkeeyay dhowr arrimood:
1. Dastuurka & Dib-u-habeynta Dowladda
Wuxuu bogaadiyay dadaallada lagu dhammeystirayo Dastuurka.
Wuxuu xusay in Baarlamaanku qabtay shaqooyin muhiim ah 6-dii kalfadhiyo ee hore.
Taaba-gelinta hay’adaha doorashada “qof iyo cod” ayuu ku tilmaamay guul muhiim ah.
2. Deyn Cafinta & Dhaqaalaha
Waxa uu sheegay in Dowladda ay ka fogaatay qaadashada dayn culays ku noqon karta dalka.
Wuxuu shacabka ugu baaqay bixinta canshuuraha si loo gaaro horumar dhaqaale.
Wuxuu sidoo kale shaaciyay in dhowaan ay bilaaban doonto soo-saarka shidaalka gudaha.

3. Amniga & La Dagaalanka Al-Shabaab
Dowladda ayaa mudnaanta koowaad siisay amniga, miisaaniyad badanna waxay gelisay ciidanka.
Wuxuu tilmaamay in laga xirtay albaabadii dhaqaalaha AS, isagoo tusaale u soo qaatay deegaannada Toora-tooray iyo Arbacow.
Ciidanka badda iyo diyaaradaha oo ay wadaan wiilal Soomaaliyeed ayuu tusaale u soo qaatay tayada korodhay.

4. Arrimaha Maamul Goboleedyada
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taageero u muujiyay maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
Wuxuu faray maamulkaas in ay xooga saaraan amniga iyo u adeegidda bulshada.
Wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in xal laga gaaro arrinta maxaabiista la kala haysto.
5. Wadahadalka Mucaaradka & Doorashooyinka
Madaxweynaha ayaa xusay in laga tanaasulay qodobo si loo gaaro midnimo siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in dadka ku riyoonaya doorasho dadban aysan ka tarjumin rabitaanka shacabka, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii iska diiwaangeliyay Muqdisho.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, labaduba waxay ballan qaadeen in Baarlamaanku dardargelin doono howlaha horyaalla inta lagu guda jiro kalfadhigan, maadaama uu yahay kii ugu dambeeyay ee muddo xileedka 11aad.