Kaluumeysato 6 ruux ah oo lagu la`ayahay Xeebaha Puntland

Guddoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Gardafuur ee maamulka Puntland Guure Cali Cumar ayaa ka warbixiyay 6 ruux oo u jalaabasho tagay xeebaha Puntland iyo doontii ay wateen oo la la`ayhay.

Guddoomiyaha ayaa yiri, 6 Nin oo kaluumeysato ah ayaa la la`ayahay midkood meydkiisa ayaa la helay halka 5-tii kale iyo doonti ay wateene raqdood iyo ruuxoodba aan la heynin.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in sanadkii hore kaluumeysato badan Xeebaha lagu waayay isagoona tilmaamay in ay jirto digniin horay laagu jeediyay Kaluumeysata maadaama bad xiran lagu jiro.

Kaluumeysatadaan ayaa Badda galay xilli bad xiran lagu jiro waxaana inta badan waqtiyada bad xiranka dhacda in laga waayo kaluumeysato xeebaha u jilaabasho tago.