Kenya iyo Maraykanka Oo Ka Wada Hadlaya La-Dagaalanka Argagixisada

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu Kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Tibor Nagy, waxayna ka wada hadleen Arrimaha Ammaanka Gobalka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo Iskaashiga Maraykanka iyo Kenya ee La-dagaalanka Alshabaab.

Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi, waxa uu Madaxweyne Uhuru sheegay inay Kenya iyo Maraykanka soo wajaheen Cabsiyo isku mid ah, wuxuuna soo dhaweeyey Iskaashiga Labada dal ee ka-hortaga Khatarta soo wajahday.

Kulanka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Arrimaha Afrika waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu Madaxweyne Donald Trump shegay inay Ciiddamo Mraaykan u direen Kenya, si ay taageero uga geystaan La-dagaalanka Alshabaab.