Kenya Oo Heegan Gelisay Ciidamadeeda

Ammaanka guud ee dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyey xilli mararka qaar degmooyin ka tirsan gobolka Waqooyi bari dalkaas ay weeraro ka geystaan rag hubeysan oo taabacsan Al-Shabaab.

Dhibaatada kale ee ku soo korortay amniga ayaa ah in magaalooyin ka mid ah dalka Kenya ay ku soo bateen kooxaha gangestarada ah ee geesta falalka amni daro.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska wadanka kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weerarka dhici kara,isla markaana heegan la geliyey Ciidamada Booliska.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay jiraan qorshooyin kale oo looga hortagayo kooxaha gangestarada ah ee geesta falalka amni daro,kuwaas oo qaarkood horay loo xiray.

Dhawaan ayaa howlgallo Ciidamada Booliska Kenya ay ka sameeyeen Magalada Nairobi waxa ay ku soo qab qabteen dad sisharcidarro ah ku joogay dalkaas.