Kenya Oo Maanta laga Sugaya Jawaabta Dacwada Badda Ee kala dhexeysa Somaaliaya

Maanta waxaa ku eg maalinta ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ u qabatay dowladda Kenya in ay kaga jawaabto dacwadda dhinaca Badda ah ee ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda.

2dii February ee sanadkan Maxkamadda ICJ ayaa go’aamisay in muranka u dhaxeeya labada dal ay maxkamadda geli karto islamarkaana dal kasta laga doonayo in uu soo dhameystiro sheegashadiisa.

kaddib dood dhexmartay Qareenada labada dhinac oo ay Maxkamadda dhegeysatay ayey kuwa Kenya u qabatay in ay soo gudbiyaan kiiskooda la xiriira muranka ay ka qabaan dacwaddan in ay Maxkamadda qaaddo iyada oo u qabatay inta u dhaxeysa 18ka June ilaa 18ka December 2018 oo maanta ku eg.

Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Kenya ku dacweysay ICJ kaddib markii ay Kenya meelo ka mid ah biyaha Soomaaliya ruqsad u siisay sharikado badda shidaal ka baaraya.

Kenya ayaa ku doodday in muranka biyaha ee labada dal u dhaxeeya ay tahay in ay meel gaar ah oo aan Maxkamadda ahayn ku xalliyaan,hayeeshee Soomaaliya ayaa ka biyaddiiday,waxaana ay ku guuleysatay in Maxkamadda gasho kiisaas oo ilaa hadda taagan.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/